U bood dhigaalka

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta soo xiraya kal fadhigii afraad

Sheeko:War
baarlamaan-3-
Guddoonka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gunaanadayaa Kal fadhigii afraad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, wariye ka tirsan Goobjoog FM oo ku sugan gudaha hoolka shirarka ayaa sheegay in Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud uu hada ku suganyahay xarunta baarlamaanka.

Wadoyinka Soo gala Xarunta Baarlamaanka iyo Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Saakay gabi ahaanba Xiran, waxaana loo diiday Gawaarida gaarka loo leeyahay, kuwa dad weynaha iyo dadka shacabka ee lugeynaya in ay maraan wadooyinka ku xeeran xarunta baarlamaanka dalka taa oo ka dhigan xaqiijinta dhanka ammaanka.Waxaa imika gudaha hoolka baarlamaanka ku sugan xildhibaano badan.

Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay sanadkii 2013-kii lix  sharci oo kala ah:

1-ansixinta kabid miisaaniyad.

2-heshiiska CONTONOU.

3-sharciga maamullada degmooyinka iyo gobollada

4-heshiis +protokool iskaashiga ciidanka Soomaaliya iyo Turkiga

5-sharciga shaqada ee arrimaha dibedda

6-sharciga guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo hirgelinta dastuurka

dhanka kale, Baarlamaanka ayaa ansixiyay sanadkan 2014-ka labo sharci oo kala ah:

1-Sharciga dhisidda golaha adeega garsoorka.

2-ansixinta xubnaha guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo hirgelinta dastuurka.

Wixii ku soo kordha warkan kala soco wararka Goobjoog FM ka baxa adigoo si toos ah uga dhageysan kara aalada soo gudbinta tooska ee Live Streamka  www.wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com