U bood dhigaalka

Baarlamaanka UK Oo Ansixiyay Heshiiskii Ay Uga Baxeen Midowga Yurub

Sheeko:Dalka

Baarlamaanka waddanka UK ayaa ansixiyay sharciga qabyada ah kaas oo ay uga baxayaan Midowga Yurub, tallaabaddan ay qaadeen baarlmaanka waddanka UK ayaa waxay ka dhigantahay inay hirgaliyeen qodobdka 50 aad ee dastuurka dalkaasi si ay uga baxaan Yurub inteeda kale.

Mudanayaasha golaha aqalka sare ee UK ayaa horay u ansixin arrimaha la xiriira deganaashaha Midowga Yurub iyo  cod bixinta ku saabsan marka ay UK ka baxayso Yurub inteeda kale.

Hindise sharciyeedkaan ayaa waxa uu dhaqan galayaa talaadada soo socota, isagoo u gogal xaarayo sidii ay UK uga bixi lahayd Midowga Yurub.

David Davies oo ah wasiirka Uk ugu magacaaban arrimaha la xiriira ka bixidda midowga Yurub ayaa waxa uu sheegay in baarlamaanka Uk uu xukuumadda uu umuujiyay taageero, iyo sida ay uga go’antahay in laga baxo ururka midowga Yurub.

Sanadkii tagay ee 2016-kii ayay ahayd markii dowladda Uk ay u codaysay inay ka baxeyso ururka midowga Yurub, iyadoo wixii intaas ka dambeeyay ay ka shaqeynaysay sidii ay uga bixi lahayd Ururka, balse arrinta ka bixitaanka ayaa waxay qaadanaysaa muddo la eg labo sano.

W/Q: Jaamac Shidane

Goobjoog News