U bood dhigaalka

Baay: Al-shabaab Oo Lagala Wareegay Goofgaduud Buurey

Sheeko:Amniga

Ciidanka xoogga dalka oo garab ka helaya kuwa maamulka K/galbeed ayaa waxa ay u suurtagashay iney la wareegaan deegaanka Goofgaduud Buurey ee gobolka Baay.

Deegaankan waxaa maalin kahor qabsaday dagaalyahannada Al-shabaab, iyadoo halkaasi isaga soo baxeen ciidanka xoogga dalka.

Wararka waxa ay sheegayaan in ciidan badan oo DFS iyo kuwa K/galbeed ah ay gabaladhacii shalay gudaha u galeen deegankan.

Waxaa jirtay dagaal kooban oo halkaasi ka dhacay, iyadoo ugu dambeyn Al-shabaab isaga baxeen deegaanka Goofgaduud Buurey.

Mas’uuliyiin ka mid ah maamulka deegaankan ayaa sheegay in xaaladda ay maanta tahay mid deggan, islamarkaana ciidanka dowladda iyo kuwa K/galbeed sugayaan ammaanka deegaankaasi./

Deegaanka Goofgaduud Buurey ayaa maalmahan dambe u dhaxeeyey ciidanka DFS iyo kuwa Al-shabaab.

Goobjoog News