U bood dhigaalka

Baay: Dagaalyahanno Ka Tirsan Al-shabaab Oo Iska Dhiibay Diinsoor

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Diinsor ee gobolka Baay ayaa sheegay iney isku soo dhiibeen dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-shabaab kuwaasi oo watay gaari nooca dagaalka ah.

Guddoomiyaha degmadaasi Maxamed Nuur Shikshigow oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa xaqiijiyey iney isku soo dhiibeen 6 ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab, mid uu yahay Darwal wadey gaari nooca Cabdi Bilaha ah oo ay raggan wateen.

Wuxuu tilmaamay guddoomiyaha in raggan is soo dhiibay ay ka yimaadeen deegaanka Carabow oo qiyaastii 154 u jira degmada Diinsoor.

“Waxaa is soo dhiibay maleeshiyaad katirsan Shabaab,waxaa ay wataan gaari Cabdi bile ah iyo hubkooda,waxaa ay ka kooban yihiin darawalkii gaariga iyo 5 qof,waxay haatan ku sugan yihiin degmadan Diinsoor,way la socdaan guud ahaan maamulka Koonfur Galbeed iyo talisyada ciidamada maamulka iyo kuwa dowladda Soomaaliya” ayuu yiri guddoomiyaha.

Dhanka Al-shabaab weli wax war ah kama aanay soo saarin raggan la sheegay in dhankooda ay kasoo baxsadeen.

Goobjoog News