U bood dhigaalka

Baay: Dagaalyahanno Ka Tirsanaa Al-shabaab Oo Isku Dhiibay Dowladda

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay ayaa sheegay in ay isku soo dhiibeen Labo nin oo ka tirsanaa dagaalyahannada Xarakada Al-shabaab.

Guddoomiyaha degmadaasi Aadan Cabdi Qooqane oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wadahadal dheer kadib lagu guuleystay in raggaasi ay dhanka dowladda soo galaan.

Ma aanu sheegin magacyada raggan ka goostay Al-shabaab iyo sidoo  kale xilalka ay hayeen, balse wuxuu tilmaamay in hadda ay ku sugan yihiin degmada Qansaxdheere.

Sidoo kale, guddoomiye Qooqane ayaa sheegay in Labadaan nin ay u gudbin doonaan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

“Wadahadallada waa ay socdeen, dedaal badanna waa uu jiray, nasiib wanaag raggan waxaan hadda keennay degmada Qansaxdheere” ayuu yiri guddoomiyaha.

Sidan oo kale bishan gudaheeda waxaa ciidanka dowladda ee ku sugan gobolka Baay isku dhiibay dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab.

Goobjoog News