U bood dhigaalka

Baay: Maamulka Gobolka Oo Ka Hadlaya Nabad-galyada Iyo Hawlaha Burburinta

Sheeko:Dalka

Ku-simaha guddoomiyaha gobolka Baay ahna Guddoomiye Kuxigeenka dhanka amniga Yoonis Aadan Xasan oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa ka hadlay sida maamulkooda wax uga qabteen isku dhacyo iyo amni darro ka jirtey magaalada Baydhabo.

Yoonis Aadan ayaa sidoo kale tilmaamay in maamulku waqti badan ku bixiyay sidii uu u soo celin lahaa amniga magaalada isaga oo yiri “Maamulka waxaa uu waqti badan ku bixiyey sidii uu u soo laaban lahaa amniga magaalada. Isku dhacyada bilowday waxaan wax ka geysannay sidii aan u xalin laheyn”.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay bulshada ku nool magaalada Baydhabo iyo deegaannada hoos yimaada in ay la shaqeeyaan laamaha amniga iyo maamulka gobolkaba, isaga oo intaasi ku daray in bulshadu ay u dulqaataan hawlaha burburinta ee ka socda qaybo ka mid ah magaalada taasi oo uu sheegay in ay qayb ka tahay sugidda nabad-gelyada.

Bilihii la soo dhaafay waxaa ka socday magaalada Baydhabo ee gobolka Baay qaybo ka mid ah hawlo burburin oo ay wadeen maamulka gobolka, iyaga oo sheegay in dhismayaashu ay si sharci darro ah ku soo galeen hareeraha waddooyinka.

Goobjoog News