U bood dhigaalka

Bahda Isboortiga Finland Oo Abaal Mariyay Xidigihii Qeybta Ka Ahaa Xulka Qaranka Soomaaliya Ee Ciyaaray Is Reeb Reebka Koobka Aduunka

Sheeko:Cayaaraha

Ciyaartooydii xulka qaranka iyo bahda isboortiga Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Finland ayaa kulan mahad celin u sameeyay xidigaha kala ah Axmed Saciid Axmed iyo Xuseen Maxamed Cabdi Kariim oo qeyb ka ahaa xidigihii wacdaraha sameeyay kulamadii is reeb reebka koobka aduunka.


Axmed Saciid Axmed oo ka tirsanaa safka xulka kana ciyaara wadanka Finland ayaa ka maqnaa madasha,isagoo qadka taleefoonka ugu mahad celiyay dadkii soo qaban qaabiyay kulanka ,balse waxaa goobjoog ahaa laacib Xuseen Maxamed Cabdira Kariim wuxuuna sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin taariikhda iyo guulaha ay la gaareen xulka qaranka dalkooda diyaarina ay u yihiin sanadaha soo aadan.

Cabdullahi Maxamuud Salxaan Eenow oo ka mid ahaa xidigihii hore kooxda Madbacadda iyo xulka qaranka ayaa u mahad celiyay labada ciyaaryahan da’daalka ay soo bandhigeen,tani ay hordhaca u tahay fursada ay sugayeen dhallinyarada kale ee ku nool wadanka Finland kuwaas oo raadinayaa u dheelista Xulka Qaranka Soomaaliya heerarkiisa kala gedisan sanadaha soo socda.

Macallinkii hore Gobolka Baay Bashir Macallin Faaqid kana mid ahaa laacibiintii hore naadiga wasraada howlaha guud iyo guryeenta LLP Jeenyo ayaa sheegay in ay waqtigooda iyo qibradooda ugu faa’idaynayaan dhallinyaradan,maadaam ay yihiin dhiiga cusub ee u soo baxay kubbadda cagta iyo Xulka.


Dadkii ku sugnaa munaasabada dhiiri gelinta ayaa u badnaa ciyaartooydii hore kooxaha kubbadda cagta iyo xulka qaranka waxayna si wadajir ah ugu mahad celiyeen dhamaan dadkii ka danabeeyay guulaha uu xulka qaranka Soomaaliya ka sameeyay kulamadoo is reeb reebka koobka aduunyada ee ka kala dhacay magaalooyinka Haraare iyo Jabuuti horaanta bisha September 2019.

Gabgabadii munaasbada labada ciyaaryahan ayaa lagu gudoonsiiyay abaal marino qaali ah oo ay ku jiraan sawirada wadajir ka ah ee (Photo Group) xulka qaran Soomaaliya,qaban qaabiyaasha xaflada ayaa ku sheegeen in ay ugu tala galeen in ay u noqoto xasuus ayna ugu sheekeeyaan caruurtaa iyo jiilka danbe.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kulan Ka Dhacay Wadanka Finland

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/430572751151185/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle