U bood dhigaalka

Bahda Kubbadda Cagta Dalka Oo Soo Dhaweeyay Xubnimada CAF Ee Guddoomiye Cabdiqani Saciid Carab

Sheeko:Cayaaraha

Gudoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta mudane Cabdiqani Saciid Carab ayaa ka mid noqday xubnaha cusub ee guddiga fulinta xiriirka kubbadda cagta qaarada Afrika ee CAF,isagoo horay u ahaa guddoomiye ku xigeenka xiriika kubbadda cagta bariga iyo bartamaha Afrika ee Cecafa.

Guddoomiyaha warbaahinta xiriirka kubbadda cagta Abuukar Islaw Xasan ayaa Goobjoog u sheegay in booska maanta uu gaaray gudoomiye Cabdiqani Saciid Carab ay Soomaaliya ugu dambeesay mudo dheer tani ay ku timid da’daalka ay wadanka wadaan madaxda xiriirka sanadaha soo aadan la gaari doono guul kale oo xilalka.

“Heerka aan maanta ka gaarnay xiriirka kubbadda cagta qaarada Africa waxa ay ku timid da’daalka ay iyo grab istaaga ay ii muuijeen saaxiibdayda shaqada ee X.K.Cagta cagta iyo bahada ciyaaraha Soomaaliya”.

“Waxaan umadda Soomaaliyeed meelbo ay jogaan kaga mahad celiyaan fariimaha wanaagsan ay ii soo direen,taasoo ku aadan hambalyo iyo bogaadin anigana waxaan lee yahay Mahadsanidiin 100%” waxaaa sidaas Goobjoog Sports ugu waramay Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid .

Guddoomiyaasha kooxaha kubbadda cagta Soomaaliya ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray gudoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta mudane Cabdiqani Saciid Carab,iyagoo arinta ku tilmaamay guul tariikh dalkeena uu kusoo laabanayo darajooyinkii lagu yaqiinay ee xiriirada qaraada iyo caalamka.

Ciyaartooyda kooxaha kala gedisan iyo bahda kubbadda cagta dalka ayaa iyagana soo dhaweeyay guulaha uu gudoomiye Cabdiqani Saciid Carab ka sameeyay qaarada Africa,iyagoo mustaqbalka u rajeeyay in uu noqdo gudoomiyaha xiriirka kubbadda cagta caalamka ee FIFA,tani ay ku timid heerka kubbadda cagta wadanka.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Hambalyada Bahda Ciyaaraha Kubabdda Cagta Ee Cabdiqani

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/625936804564147/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle