U bood dhigaalka

Bajaajta Oo Xilliga Habeenkii Ah Laga Mamnuucay Magaalada Baydhabo

Sheeko:Amniga

Taliska ciidanka Booliiska magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa magaaladaasi ka mamnuucay in xilliyada habeenkii ah ay shaqeeyaan mootooyinka loo yaqaan Bajaajta.

Gaashaanle Sare Ibraahim Dubadow, taliyaha saldhigga magaalada Baydhabo oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wixii ka dambeeya aanay magaaladaasi ka shaqeyn karin Mooto Bajaajta sidoo kalena aan la arki karin Mootooyinka leh Labada lug.

Sababta arrintaasi ayuu ku sheegay taliyaha kadib markii ay soo bateen falalka amni darri ee lagu sameynayo mootooyinkaasi.

“Gaadiidkaan Bajaajta iyo Mootada Labo Lugaaleyda ah wixii ka dambeeya Salaadda maqrib magaalada kuma socon karaan, haddii la arkana mar dambe mootadaasi laguma shaqeyn karo, nimankaan nabad diidka ah iyo maandooriyeyaasha waxaa lagu adeegsadaa mootooyinkaas” ayuu yiri taliayaha.

Mooto Bajaajta ayaa si weyn uga shaqeysa magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, hase ahaatee waxay tanu culeys ku noqon doontaa dad badan oo ku tiirsan ku shaqeysiga Mootooyinkan.

Goobjoog News