U bood dhigaalka

Bajaale Lagu Dilay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Askar ka tirsan ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa darawal Mooto Bajaaj waday waxay ku dileen halka loo yaqaan Seybiyaano, degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ciidamadan oo halkaasi ku sugnaa ay isku dayeen iney istaajiyaan mootada si aanay u dhaafin, hase ahaatee darawalkii uu maqli laawayay,  kadibna rasaas ay rideen ay haleeshay.

Bajaalayaal kale oo goobta tagay ayaa si kooban u dhigay banaanbax ay ku muujinayaan sida ay falkaan uga xun yihiin.

Bajaaleyda ka shaqeysa Muqdisho ayaa dhibaatooyin sidan oo kale ah waxay marar badan kala kulmeen ciidanka dowladda, iyadoo bishii Ramadan ee tagtay kaliya Muqdisho lagu dilay Labo darawal oo Bajaajle ah.

Dowladda federaalka Soomaaliya weli wax war ah kama aanay soo saarin falkaan saakay dhacay, iyadoo maalin walbana ay cabasho muujiyaan bajaajleyda Muqdisho.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News