U bood dhigaalka

Bakaaro: Wiil Dhalinyaro Oo La Dilay Iyo Askar La Weeraray

Sheeko:Dalka

Rag hubeysan ayaa goordhow waxaa ay isgoyska suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ku dileen wiil dhalinyaro ahaa oo watay dhar shacab ah.

Wiilka la dilay waxaa la sheegayaa inuu ka mid ahaa dhalinyarada rarta gaadiidka BL-ka, madaxa ayey ka toogteen labo dhalinyaro ah oo hubeysan, kadibna waa baxsadeen.

Ciidamo ka tirsan dowladda oo goobta u tagay dabagalka dilkaasi ayaa bambo gacmeed lagu weeraray, Saddex askari iyo qof shacab oo ganacsi yar halkaasi ku lahaa ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen.

Dilalka ka dhacaya magaalada Muqdisho ayaa kordhay, waxaana dilalka loo geydsanayaa masuuliyiinta dowladda, askarta iyo shacabka

Goobjoog News