U bood dhigaalka

Bakool: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Dagaallamay

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray Degmada Tiyeeglow ee gobalka Bakool, gaar ahaan duleedka degmadaasi.

Ciidamo ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhig ay ciidamada dowladda ku lahaayeen duleedka degmadaasi, iyadoo dagaalkaasi uu socday shalay illaa iyo xalay.

Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi weli lama xaqiijin in kastoo maamulka degmada Tiyeeglow ay guul sheegteen.

Maxamed Cabdalle Xasan (Food Cadde) oo ah gudoomiyaha degmada Tiyeeglow ayaa u sheegay Goobjoog News in khasaare badan uu jiro, hase ahaatee ciidamada dowladda ay gacanta ku hayaan halkii lagu dagaallamay.

Dhinacooda ayuu sheegay in ay jirto dhimasho iyo dhaawac, balse ma aanu faah faahin tirada rasmiga ah ee Khasaaraha soo gaaray.

Al-shabaab weli kama aanay hadal dagaalladaasi, hase ahaatee sidaan oo kale ayeey dhowr jeer u weerareen deegaanno ka mid ah gobalka Bakool oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda Federaalka  iyo kuwa AMISOM.

Goobjoog News