U bood dhigaalka

Bakool: Dagaal Tiyeegloow ku dhex maray ciidamada dowladda iyo Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo xarakada Al-Shabaab dagaal khasaaro geystay in uu ku dhex maray duleedka degmada Tiyeegloow ee gobolkaasi.

Taliyaha ciidamada milateriga dowladda ee gobolkaasi Kornel Cabdidiraxmaan Maxamed Cismaan Timacadde oo u wearamay Goobjoog FM ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay weerar ku qaadeen deegaanka Biyooleey oo ilaa 12 Kiiloomitir dhinaca bari kaga beegan degmada Tiyeegloow ee gobolka Bakool oo uu sheegay in ganacsatada degmadaasi looga qabsaday gaadiid raashin u sida degmadaasi.

Waxa uu intaasi raaciyay in ciidamadu ay halkaasi dagaal kula galeen rag ka tirsan xarakada Al-Shabaab oo uu sheegay in ay gacanta ku hayeen gaadiidkaasi isagoo tilmaamay in ciidamadu ay halkaasi khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira ku gaarsiiyeen dagaalyahanadii Al-Shabaab isla markaasina ay soo furteen gaadiidkii goobtaasi lagu hayay.

Hoos ka dhageyso codka Kornel Cabdidiraxmaan Maxamed Cismaan Timacadde: