U bood dhigaalka

Bakool: Degmada Waajid Oo Aysan Ka Jirin Adeeg Caafimaad

Sheeko:Caafimaadka

Degmada Waajid oo ka tirsan 5 degmo ee gobolka Bakool, Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa laga soo sheegayaa dhibaato caafimaad, gaar ahaan dhanka adeegyada.

Dr. Cabdisalaam Axmed ayaa Goobjoog News uga waramay xaaladda caafimaad ee degmada iyo dhibka ay go’doominta keentay “Degmada waxa ay ku jirtaa go’doon taasna waa dhibaatooyin baaxad-weyn oo ka jira gobolka, caafimaad ahaan waxaa na taakuleeya hay’ado ay ka midyihiin UNICEF waxaa nagu xeeran deegaanno badan oo caafimaad ahaan annag nagu tiirsan, waxaa ka shaqeeya degmada xarun caafimaad oo kaliya hadda magaalada waxaa ku jira cudurro badan oo ay ka mid tahay Jadeecada”.

Abaarta sanadihii dambe ku soo-laalaabatay dalka gaar ahaan deegaannada Koofur galbeed Soomaaliya ayaa sii kordhisa bil walba caruurta u dhimata nafo-darrada .

Degmada Waajid iyo deegaannada ku hareereysan caruurta ku nool mahelaan adeegyada caafimaadka asaasiga u ah sida uu tilmaamayo Dr Axmed Yuusuf oo gacanta ku haya xarun lagu nafaqeeyo caruurta.

“Caruurta waxa ay u baahanyihiin daryeel caafimaad gaar nafaqo, waxaa dalbaneynaa in naloo soo badiyo nafaqada caruuta halkani ku jirto waxa ay u badanyihiin kuwa haysato nafaqo darro”.

Heerka caaafimaad ee degmada waajid ayaa ha mid liidata mana ka jiraan xarumo caafimaad oo badan iyada oo taasi jirto hadana ma helaan daawooyin ku filan .

Waajid kuma taalo xarunta caafimaadka dhallaanka iyo Hooyada,waxayna u badanyihiin hooyooyinka ku dhaqan degmada kuwo umulo raacda intooda badan.

Dadka reer Waajid haddii ay soo wajahdo xaalad Caafimaad waxaa la sugayaa diyaarad todobaad ka dib timaado sidaasna qofkii xanuunsanaa loo gaarsiiyo Mugadisho ama Baydhabo.

Gobolka Bakool:

Bakool, waa gobol xad la leh Itoobiya, Bay iyo Hiiraan, degmooyinkiisa waa 5: Xudur, Waajid, Rabdhuure, Tiyeeglow iyo Ceelberde, dadka ku nool Tiro ahaan waa 400,000 oo qof, bedka dhulkana waa ilaa 30,000 KM2 .

Dowladda Soomaaliya waxaa gacanteeda ku jira Xudur, Waajid iyo Ceelberde halka Al-shabaab ay heysato Tiyeeglow, Rabdhuure iyo goobo kale!

Gobolkan oo dhan booliis federaal ah waxaa ka jooga 26 askari oo heysta hal gaari, ciidamada nabad-sugidda ee gobolkaasi ku sugan waa 3 askari oo keliya!

Gobolka waxaa ku yaallo 13 xero qaxooti barakacayaal ku jiraan, dhibaatada ugu weyn gobolka waa go’doon!

Goobjoog News