U bood dhigaalka

Bakool: Milatariga DFS Oo Sheegay Iney Dileen Xubno Al-shabaab Ah

Sheeko:Amniga

Taliska ciidanka xoogga dalka ee gobolka Bakool ayaa ka warbixiyey dagaal iyaga iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Ceel-laahelay ee gobolkaasi.

G/sare Warsame Maxamed oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in dagaalkaasi uu ahaa mid xooggan, islamarkaana ay khasaare soo gaarsiiyeen Al-shabaab waa sida uu hadalka u dhigaye.

Sidoo kale, Gaashaanlahan ayaa sheegay in ay Al-shabaab ka qabsadeen hub badan iyo saanad kale oo ciidan.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii ciidanka Al-shabaab weerar kusoo qaadeen deegaankan oo ku dhow degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Al-shabaab dhankooda kama aanay hadal weerarkan iyo waxa ka jira in dhankooda khasaare lasoo gaarsiiyay.

Goobjooog News