U bood dhigaalka

Baladweyn: 16 Qof oo u Geeriyootay Shuban Biyood

Sheeko:Caafimaadka

Magaalada Baladweyn ee gobalka Hiiraan iyo tuulooyinka hoos yimaada  ayaa waxaa faro ba’an ku haya xanuunka shuban biyoodka, kaas oo ka dilaacay maalinimadii Jimcada.

Tan iyo markii xanuunka uu dilaacay ayaa Isbitaalka guud ee magalaada iyo MCH-da waxaa la dhigay 75 ruux kuuwaas oo uu soo ritay xanuunka halka 16 kalena ay u geeriyoodeen oo isugu   jira caruur iyo waayeel.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee gobalka Hiiraan Sheekh Xuseen Cisamaan, oo maanta Goobjoog News la hadlay ayaa sheegay in xanuunka si aad ah uu u  saameeyey dadka ku nool xeryaha baracayaasha ee ku yaalla xaafadaha kala duwan ee magaalada sida  Howlwadaag, Kooshin, Buundoweyn, Xaawotaako.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in xaalad daawo yari ay ka jirto Isbitaalka, waxaana uu xusay in ay filayaan in wasaaradaha caafimaadka federaalka iyo Hirshabeelle ay soo gaaraan magaalada si ay ugu kuurgalaan xaaladda.

Dhinaca kale guddoomiye Xuseen Cismaan ayaa tilmaamey in maamulka uu sameeyey xarun lagu karaantiilo dadka uu xanuunka soo ritay si loo xakameeyo inuu faafo,maadaama saacad waliba uu xanuunka dad uu soo ridanaayo, ilaa iyo haddana ay 75 ruux uu soo ritay halka 16 ruuxna ay geeriyoodeen.

Ugu dambeyn guddoomiyaha arrimaha bullshada ee gobalka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan  ayaa sheegay ilaa iyo hadda in kaliya maamulka iyo shacabka magaalada  ay wadaan gurmadka, isaga oo xusay in  xisbiga daljir oo kamid ah axsaabta ka jirta dalka uu soo gaarsiiyey xoogaa daawo ah laakiin aysan ku filneyn baahida doowo ee ka jirta xarumaha lagu haayo dadka uu soo ritay .

Goobjoog News