U bood dhigaalka

Baladweyn Oo Laga Hirgeliyay Doomaha Dhulka

Sheeko:Dalka

Magaalada Beledweyne oo dhowaanahan ay harqiyeen fartahaadaha webiga Shabelle ayaa xiligan waxaa la dareemayaa daadad hor leh,  waxaana 24 saac ee lasoo dhaafay lagu la’yahay in kabadan 5 ruux,  waxaana meeydadkooda lahelay ilaa 2 ruux oo dooman lagu raadiyay.

Dadka ayaa badankood waxaay qataraha kala kulmeen marka aay isaga kala gooshayaan deegaanka Ceeljaale oo dad badan aay u barakaceen iyo gudaha magaalada oo dad badan ku go’doonsanyihiin.

Si loo yareeyo qataraha jira waxaa dooman ku deeqay hay’adaha Bisha Cas iyo WFP kuwaasi oo dadka isku kala gudbinayo.

Gudoomiyaha Gobolka iyo madaxda maamulka degmada oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegaya halka dadka ay daabulayaan, gudoomiyaha degmada Beledweyne Maxamed Cisman Qalafow ayaa isna noo sheegay inay rajo wanaagsan ka qabaan yareeynta qataraha jira.

Daadadka cusub waxaay saameeyn ku yeesheen cisbitalka weyn ee magaalada Beledweyne, buundooyinka waaweeyn ee la isaga gudbo ee magalaada iyo inta badan magaalada Beledweyne.

Dadka ayaa aad ugu dhibaateeysan gudaha iyo daafaha magaalada Beledweyne, dowladda federaalka ah oo ballanqaadyo sameysay ilaa hadda gargaar lagama helin.

Goobjoog News