U bood dhigaalka

Baladweyn: Webi Shabeelle oo Mar Kale Fatahay

Sheeko:Dalka

Xaafadaha  kala duwan ee magaalada Baladweyne ee gobalka Hiiraan oo horay ugu barakacay fatahaado ayaa hadda wajahaya mid kale oo cusub oo webigu ku soo daayey qeybo ka mid ah magaalada.

Asad Cabdiwali Cismaan oo ka mid bulshada ku dhaqan magaalada Baladwene oo Goobjoog News la hadlay ayaa sheegay in gelinkii dambe shalay ilaa habeenimadii xalay uu bilaabay wabiga inuu ku fataho xaafadaha dhowr ah ee magaalada waxaana uu yiri” Biyo baxada oo bil ka hor  ka noqday oo wabiga aad u naaqusay ayaa markale uu ku soo laba kacleeyey magaalada shalay ilaa xalay, Shalay ayaa ugu darneed xaafada magaalada sida Kutiimbo, Kooshin, Dhagax jabis iyo Buulo Xaadleey, wabigii ayaadna moodaa inuu saro ku kacay ayaa  xaafadaas biyo kuwado”.

Sidoo kale Asad oo haalkiisa siiwato ayaa xusay in xaafada fatahaaduhu ka jiraan ay bulshada dhowaan ay ku soo guryo noqdeen  haddana ay bilaabeen in mar kale ay dib ugu laabtaan deegaanka Ceeljaalle oo markii hore  ay barakac ku ahaayeen waxaana uu yiri” Asbuuc waxaan dhammeen waxaa jiro qoysas magaalada duleedkeeda ka soo laabtay dibna ugu soo laabtay xaafadahoodii oo maantana si xowli ah guryahoodii uga baxaayo asbuuc ka hor meeshii ay ka yimaadeen ayey hadana dib ugu laabanayaan maantana haba ugu badnaato geedigooda boqolaal qoys ayeey dhan yihiin waxaana laga yaabaa haddii uusan wabiga caawa isbadal uusan keenin  biyo badanna ay ku soo wajahan yihiin  xaalad adag ayuu gali doono”

Dhanka kale Asad Cabdiwali ayaa carabka ku adkeeyey in biyo baxada Wabiga Shabeelle uu sida deg dega ah uu u sameynaayo ay tahay mid aan horay aysan u arag bulshada ku dhaqan magaalada Balweyne waxaana hadalkiisa ka mid ahaa” Tan waxaa ay uga duwan tahay tii hore dadka reer Baladweyne waxaa ay u barteen Biyo baxo markii ay noqoto midda labaad sanad iyo wax ka badan in ay sugaan, laakiin tani waxaa ay noqoneysaa Biyo baxadii ugu horeysay oo si deg deg u soo laabata bil gudahood intay ku laabtaan in ay haddana soo baxaan”

Ugu danbeyn Asad Cabduwali Cismaan ayaa sheegay in Roobka da’aya ay saameyn badan ku leeyihiin in mar kale uu wabiga Shabeelle uu bilaabo fatahaada uu ka geysanaayo magaalada Baladweyne isagga oo aruintaasi ka hadlaayana waxaa uu yiri ” Roobabkii ayaa soo noqday awal roobab majirin oo wabiga nafis ayuu heli lahaa, lakiin roobabkii iyo waadiyaashii laga cabsi qabay markii wabiga uu kaalmeysto wabiga qararka ayuu jabsanaa”

Goobjoog News