U bood dhigaalka

B/weyne: Ciidanka Jabuuti Oo Isbitaalka Kala Baxay Mid Kamid ah Dhaawacyada Weerarkii Shalay

Sheeko:Dalka

Sida ay sheegayaan ilo lagu kalsoon yahay ciidamada Jabuuti ee ku sugan magaalada Baladweyne waxaa maanta Isbitaalka weyn ee magaaladaasi ay kala baxeen mid kamid ah dhaawacyadii shalay ku waxyeeloobay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay xeradooda.

Wararka ayaa sheegaya in ninkani dhaawaca ah la jiifiyay isbitaalka dhexe ee Baladweyne oo qeyb kamid ah lugtiisa loo jaray dhaawac halis ah oo qaraxaasi ka soo gaaray.

Waalidka ninkani ay ciidanka Jabuuti la baxeen ayaa Goobjoog News u sheegay in wiilkooda ay si qasab ah ku kaxeysteen ciidamada oo ay u qaateen xeradooda ku taalla magaalada Baladweyne.

Ciidamada Jabuuti saraakiishooda ayaa u sheegay waalidka in wiilkooda uu tuhun galay islamarkaana ay uga shakiyeen inuu abaabulay weerarkii ismiidaaminta oo ay baaritaan ku sameynayaan.

Weerar geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo isugu jira askar iyo dad shacab ah ayaa shalay Alshabaab ay ku qaadeen xerada ciidanka Jabuuti ay ku leeyihiin galbeedka magaalada Baladweyne.

Goobjoog News