U bood dhigaalka

Baladweyne: Howlgal Lagu Soo Qabqabtay 20 Qof Oo Laga Sameeyay

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowlad goboleedka Hirshabeelle oo maanta howlgal ka fuliyay magaalada Baladweyne ayaa ku soo qabqabtay tiro dad ah.

Howlgalkani oo ay ciidamada ka sameeyeen xaafadda Buundaweyn ama October ee Baladweyne waxaa lagu sheegay inuu yahay mid lagu sugayo ammaanka.

Intii uu howlgalka socday ayaa ciidamada gacanta waxay ku soo dhigeen dad gaaraya 20 ruux oo u badan dhallinyaro.

Xaafadda ay ciidanka maanta baaritaanka ka sameeyeen ayaa habeen ka hor lagu dilay labo askari iyadoona laga sii qaatay hubkoodii.

Saraakiisha ammaanka ee gobolka Hiiraan oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in lagu daba joogo ciddii ka dambeysay falkaasi oo dadka degaanka ay Goobjoog ugu sheegeen inay ahaayeen koox hubeysan oo dilka kadib goobta isaga baxsatay.

Taliyaha guutada 10-aad ee ciidanka xoogga dalka ee gobolka Hiiraan Col. Tawane Axmed Gureey ayaa sheegay in 20-ka qof ee la soo qabtay ay ku sameynayaan baaritaan oo wixii aan dambi lahayn ay dib ka sii deyn doonaan.

Dhanka kale, Col. Axmed Cabdi Wehliye oo ah afhayeenka guddiga nabadgalyada ee maamulka Hirshabeelle ee gobolka Hiiraan  ayaa sheegay in aan la aqbali doonin in falal ammaanka liddi ku ah ay ka dhacaan Baladweyne.

Dilalka loo geysto ciidamada dowladda iyo dadka shacabka qaarkood ayaa mararka qaar magaalada Baladweyne ka ah wax caadi ah.

Goobjoog News