U bood dhigaalka

Baladweyne Oo Laga Furay Shirka Dib u Heshiisiinta Gobolka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta magaalada Baladweyn laga furay shirka dib u heshiisiinta beelaha gobolka Hiiraan kaas oo ay soo qaban qaabiyeen qaar ka mid ah duubabka iyo Ugaasyada gobolkaasi.

Shirkan waxaa hormuud ka ah Ugaasyada kala ah:- Ugaas Xasan Ugaas Ugaas Rooble, Ugaas Cali Ugaas Ugaas Raage iyo Cali Ugaas Muxumad Ugaas.

Weriyaha Goobjoog News ee Baladweyn Khaalid Ilka-case ayaa sheegaya in shirka ay ka soo qeyb galeen Boqool dad ah iyo sidoo kale xildhibaanno ka tirsan dowladda sida  Xildhibaan Abuukaate Dahir Xasan Cabdi iyo Xildhibaan Samiiro Xasan Cabdule.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News