U bood dhigaalka

Baladweyne: Waxgarad Sheegay In Maamul Goboleed u Sameynayaan Gobolka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa maanta ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen waxgaradka gobolkaasi qaarkood gaar ahaan Ugaasyada diiddan maamul u sameynta Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan, siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah bulshada ku dhaqan Baladweyne.

Waxgaradkan ayaa halkaasi kaga dhawaaqay in gobolka Hiiraan u sameyn doonaan maamul goboleed ka madax bannaan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ugaas Cali Ugaas Maxamed Ugaas Shafeec oo ah afhayeenka duubabka dhaqanka Hiiraan ayaa shirkaasi ka sheegay in wadatashiyo badan oo ay sameeyeen kadib isku raaceen in gobolka Hiiraan maamul loo sameeyo.

“Reer Hiiraan waxay isku araacsan yihiin aqalka sare iyo xildhibaannada gobolkooda ku doortaan, waxaan kaloo sheegaynaa haddii reer Hiiraan go’aankoodii cadeysteen, digreeto wax lagu magaacabana waa fashil, ma aqbli doonno, mana hoostagi doonno wax aysan shacaba dooaranin, waxaan kaloo sheegaynaa ururu goboleedka IGAD reer Hiiraan Labo gobol ama Saddex gobol haddaad u haysaan u imaada wax kale haku soo lug go’ina, maanta waxaan idiin sheegaynaa inaan ku mashquuli donno sidii aan wax u sameysan lahayn, ku bishaareysta reer Hiiraan waxay ku mashquuli doonaan sameynta madaxweyne ku xigeen, baarlamaan, cid aan wax ku darsaneyna malahan, reer Shabellaha dhexe waxaan leenahay waxbo idin kuma darsan donno ee na daaya” ayuu yiri Afhayeenka.

Hadalkaan ayaa imaanaya xilli qaar ka mid ah waxgaradka Hiiraan ay sheegayaan in aysan dooneyn inay wax la qeybsadaan gobollada Shabellaha Dhexe, balse waxaa xusid mudan in inta badan waxgaradka iyo beellaha dega gobolkaasi ay aqbaleen sameynta maamulka shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Goobjoog News