U bood dhigaalka

Baladweyne: Yaa Kusoo Baxay Kursiga HOP#058 ?

Sheeko:Baarlamaanka

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta lagu doortay kursi ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka dalka, kaas oo tirsigiisu yahay HOP#058, kaas oo deegaan doorashadiisu tahay  deegannada dowlad goboleedka Hirshabeelle, waxaana uu ahaa kursi tartan furan ah.

Kursigaan ayaa waxaa ku tartamay tobo musharrax, kuwaas oo mid waliba naftiisa u rabay guusha, laakiin waxaana wareegii koowaad ku guulaystay musharrax Cabduullaahi Maxamed Ali Sanbalooshe taliyiihii hore sirdoonka qaranka NISA, kaas oo helay  54, waxaana guddigu uu shaaciyey inuu ku guulaystay HOP#058.

Kursigaan ayaa waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey Nuur Iidow Beyle, kaas oo sheegay inuu isaga  haray tartanka, Musharraxiinta u tartantay kursiga oo gaaray todobo musharrax ayaa waxaa ay codadka ukala heleen.

1 Amb Abdullahi Mohamed Ali Sanbaloolshe 54
2.Abdulkadir HUSSEIN Olow 8
3.ABDULLAHI Ahmed HUSSEIN 5
4. ALI Abdullahi Osoble 28
5.Mohamed Afdhuub Makaraan. 2
6.Ubah Ali Shegow. 0
7.Yoonis Mohamed Nor. 3
Dowalad goboleedka Hirshabeelle ayaa waxaa wali si habsami leh waxaa uga socota doorashada golaha shacabka, waxaana wali aan soo dhammaan doorashada golaha shacabka, xili maamullada Galmudug Koonfur Galbeed iyo Puntland ay soo idleeyeen, waxaana wali la sugayaa dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Hirshabeelle.