U bood dhigaalka

Balcad:In ka badan 50 carruur ah oo uu soo ritay cudurka Shuban biyoodka

Sheeko:Caafimaadka

Maamulka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay in tiradii ugu badnayd uu soo ritay cudurka shuban Biyoodka la dhigay isbitaalka Degmadaasi.

In ka badan 50 ruux oo u badan caruur ayuu Guddoomiyaha Degmada Balcad uu sheegay   in ay la il daran yihiin cudurkaasi.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha Degmada Balcad Maxamed Maxamuud saneey in 24 kii saac ee la soo dhaafay tiro caruur ah uu soo ritay cudurkan,   kuwaas oo ka yar da’da shanta sano.

Wuxuu ka codsaday dowladda federaalka Soomaaliya, maamulka gobolka Shabeellaha dhexe iyo hay’adaha sama falka inay gurmad u fidiyaan dadka ku nool deegaanada uu ka jiro cudurka.

Deegaano badan oo ka tisan Gobollada Dalka waxaa ka jira xaalad adag oo dhinaca Caafimaadka la xiriira.