U bood dhigaalka

Baledweyne: 14 Qof Oo U Geeriyooday Shuban Biyood

Sheeko:Dalka

Afar iyo toban qof oo is kugu jira caruur iyo dad waayeello ah ayaa 24 saac ee ugu dambeysay ugu geeriyootay cudurka shuban biyoodka magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Cudurkaan ayaa sidoo kale soo ritay ku dhawaad 80 kale oo qof kuwaasi oo ku nool magaalda Baledweyne iyo deegaannada hoos yimaada sida ay sheegeen maamulka Isbitaalka Baledweyne.

Dadka uu soo ritay cudurkaani ayaa qaarkood waxaa la dhigay Isbitaalka,halka qaarka kalana ay yaallaa xaafadaha.

Dr Axmed Khaliif oo ah agaasimaha Isbitaalka Baledweyn ayaa sheegay tirda dadka u dhintay cudurkaani .

“Waxaan ku talo galnay maanta inaan soo aragno dhibaatooyin laga sheegayo degmada Baledweyne inta aan ognahay waxaa u dhimatay toban qof waxyaabaha keenay dhibaatada waxaa ugu wacan nadaafad xumida ka jirta deegaanka, waxaa kaloo u sabab ah nafaqo darro dadka u sii dheer”.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxaa ka dilaacay gobolka Hiiraan cudurka shuban biyoodka waxaa uuna soo ritay dad badan oo is kugu jira caruur iyo da’ waxaana u dheer cudurka nafaqo darro baahsan oo ay dadkaani la il daranyihiin taasi oo sii xoojineyso inay kororto dhimashada.

Goobjoog News