U bood dhigaalka

Ban Ki-moon: Gacanta Burcad Badeedda Soomaalida Ajaanib Baa Ku Maqan

Sheeko:Dalka

Ban Ki-moon oo u waramayey golaha ammaanka ayaa sheegay in weli gacanta burcad badeedda Soomaalida ku maqan yihiin la haystayaal Ajaaniib ah.

Wuxuu sheegay Mr Moon in ilaa 5 qof oo haysata dhalashada dalka Kenya ay weli madax furasho ahaan loogu haysto Soomaaliya.

Hadalkaam uu Ban Ki Moon siiyey golaha ammaanka ayaa qeyb ka ahaa warbixin ka koobneyd illaa 18 bog oo looga hadlayey xaaladda burcad badeedda Soomaaliya.

Xoghayaha ma aanu sheegin magacyada Kenyanka uu sheegay in lagu haysto Soomaaliya, balse waxaa xusid mudan in  bishii November ee sanadkii 2015 ay ciidanka Soomaaliya soo furteen Lamaane Kenyati ah oo afduub ahaan loogu haystay bartamaha Soomaaliya.

Warbixinta Ban Ki-moon waxaa ku jirtay in gacanta burcad badeedda ku maqanyihiin gaadiidka dhanka badda ah, isagoo tilmaamay 29 doonyo oo 26 ka mid ah laga leeyahay Cumaan ay dhanka burcad badeedda ku maqan yihiin.

Ugu Dambeyn xoghaye Ban Ki-moon ayaa sheegay in aan la yareesan karin in ay dib usoo laabato halista burcad badeedda Soomaalida.

Hay’adda badaha caalamiga ah ayaa dhowaan war ay soo saartay waxay ku baaqday in la iska kaashado la dagaallanka burcad badeedda.

Waxaa jira ciidamo caalami ah oo ku sugan xeebaha Soomaaliya, kuwaasi oo sheega iney la dagaallamaan burcad badeedda Soomaalida.

Goobjoog News