U bood dhigaalka

Ban Ki-moon oo Habeenimada Caawa Ka Dagaya Xilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Sheeko:Dalka

Ka dib 10-sano oo uu ahaa hoggaanka sare ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon oo ka tagaya xafiiska Xoghayaha Guud bilowga sanadka cusub oo ku beegan habeenimada caawa.

Ban Ki-moon oo hadal jeedintiisii ugu dambeysay Jimcihii 30, December ka jeediyay Qaramada Midoobay ayaa diblumaasiyiinta u sheegay; “Barri(oo ku beegan caawa) bilowga sanadka cusub waxwaliba way is badalayaan, marka ay dadku u dabaaldagayaan sanadka cusub, waxaan ka qeybgali doonaan xafladda buunfin tuurka ee ka dhacaysa Times Square, malaayin qofina waxay daawan doonaan sida aan u waaynayo shaadaydii”.

Waxa uu kula dardaarmay saaxiibadiisii dhanka shaqada iney xoogga saaraan xuquuqda iyo sharafta aadanaha.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa shaqadiisu ay ku egtahay saqbarka habeennimada caawa bilowga sanadka cusub, isagoo 10 sano kadib xilka ka dagi doon. xilka waxaa ka bedeli doona xoghayaha cusub ee dhawaan la doortay Antonio Guterres oo u dhashay dalka Portugal.

Ban Ki-moon ayaa xilka Xoghayaha  Qaramada Midoobay la wareegay sanadkii 2007, isagoo xilka kala wareegay xoghayihii ka horreeyay ee Kofi Annan. Iyadoo la filayo in Ban Ki-moon kadib xilka Qaramada Midoobay uu isku sharraxo madaxweynaha  Kuuriyada Koonfureed.

Goobjoog News