U bood dhigaalka

Banaadir: Ciidamada Dowladda Oo Qabtay Labo Nin oo Dhac u Gaysanayey Shacabka

Sheeko:Dalka

Ciidamada boliiska iyo kuwa Nissa ee degmadda Boondheere oo kaashanaayo Shacabka iyo maamulka  Boondheere ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan qaarka ka mida kuwa caadeystay in habeenkii ay Shacabka ka qaataan waxyaahaba sitaan iyaga oo isticmaalaya bustoolad caag ah iyo middi.

Cabdiwakiil C/llahi Maxamuud Taliyaha Saldhiga booliiska degmada Boondheere ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ciidamada ammaanka ay labadaan ruux ku soo qabteen howlgal ay sameeyeen iyagoo fulinaya amarka madaxda ka saraysa.

Gudoomiyaha Degmada Boondheere Saynab Yuusuf Wehliye ayaa ku ammaantay Ciidamadu dadaalka ay sameeyeen, iyadoo sidoo kale shacabka Boondheere ka codsatay inaysan ka daadlin gacan siinta Ciidamada.

Ciidamaada Qalabka sida ayaa waxay ka wadaan guud ahaan Gobolka Banaadir sidii loo kordhin lahaa sugida abniga inta lagu jiro Bishaan Ramadaan.

Goobjoog News