U bood dhigaalka

Banaadir: Shacabka Oo Ka Cabanaya Jidadka Xiran

Sheeko:Amniga

Saddexdii maalmood ee la soo dhaafay dadka ku nool magaalada Muqdisho ayaa lugeynayey waxayna arrintaasi keentay in dadka shacabka ah  cabasho ka keenaan.

Waddooyinka waaweyn ee Muqdisho ayaa la dhigay ciidamo kuwaasi oo dadka u diidaya in ay maraan, sidoo kale waxaa ciid iyo dhagaxaan lagu gooyay jid cadayaasha soo gala waddooyinka laamiga ah.

Xirnaashaha waddooyinka ayey dowladdu ku sababeysay in amniga lagu xoojinayo inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Qaar ka mid ah Shacabka Muqdisho oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in xirnaashaha waddooyinka ay kala kulmeen dhibaato badan xilli ay soo dhowdahay Maalinta Ciidulfidriga waxaana ka mid ahaa hadalladoodii wiilkan.

“Aad ayaan uga xunnahay in waddooyinka la xiro sababtoo ah maalin Sabti ah waaye shaqo ayey leeyihiin Jaamacado iyo iskuullo ayaa la leeyahay “.

Qof kale oo ka mid ah dadka ay saameysay waddo xirista oo Goobjoog la hadlay ayaa yiri.

“Waddooyinka xiran dhibaato badan ayey ku qabaan dadka shacabka ah waxaan ka soo lugeeyay Ex-koontarool Tarabuunka ayaa lug ku imid waxaan ku baaqi lahaa dadkaan iyo dalkaan dad ayaa u dhaartay waa in ay dhibaatada naga dhaafaan”.

Jidadka xiran waxaa ka mid ah wadada Wadnaha, Makah almukaram iyo waddooyin kale oo ka tirsan magaalada Muqdisho.

Goobjoog News