U bood dhigaalka

Banaadir: Wax Kabaro Taariikhda Degmada Shangaani

Sheeko:Dalka

Degmada Shangaani waa degmo ka tirsan gobolka Banaadir waxayna leedahay astaamo muujinayo inay tahay degmo taariikh weyn ugu fadhisa shacabka Soomaaliyeed waxayna dhisantahay 1,100 sano.

Shangaani waxay saldhig u aheyd faafinta diinta Islaamka waxa ugu badan oo ku dhex arkeyso degmada waa Masaajidyo iyo guryo dhaadheer oo qadiimi ah.

Berisamaadkii degmada shangaani waxay ka koobneed saddex waaxood oo kala ah Jabuuti, Howd iyo Mooyaalle iyada oo markii dambe lagu kordhiyey waaxda midnimo,waxayna degmada ay Deris la tahay degmooyinka Xamarweyne, Boondheere,Cabdul-Caziiz iyo Kaaraan.

Shangaani waxay aheyd halka ay deganaayeen Safaaradaha wadamada Mareykanka,Faransiiska, Yeman iyo Itoobiya waxayna il dhaqaalo oo muuqato u ahaayeen degmada Shangaani.

Waxay xarun u aheyd dhismayaal badan oo dowladdii dhexe ay ku shaqeyn jirtay sida madbacaddii qaranka, wakaaladii Muuska, Bankigii doolarka iyo xarumo kale oo loo soo dalxiisi jiray sida hoteelladii Curubo iyo Jubba.

Haddaba sidee ayuu u baxay magaca Shangaani:

Basma Caamir Guddoomiyaha Degmada Shangaani ayaa tiri: “Degmada Shangaani waa degmo fac weyn oo taariikhi ah waxayna dhisantahay 1,100 ayaa la aas-aasay Shangaani,waa degmada ugu qadiimasan degmooyinka waxay leedahay waxyaabo ay ku can tahay ayaa jira, magaca Shangaani waxaa loogu bixiyey waa degmo guryaheeda lagu dhisay caano mala aqoonin Shamiito markii la dhisaayey shangaani waxay ugu baxday maadaama caano lagu dhisay oo wax cad ay tahay inay cadahay ayaa Shangaani loogu bixiyey ereyga Shangaani waa Cadaan”.

Masaajiddo jirsaday in ka badan 300 oo sano ayaa ku yaallo degmada Shangaani tirada guud ee masaajidda ayaa ah 21 Masjid halka 18 ka mida ay yihiin kuwo la dhisay qarniyo ka hor .

Xaaji Yaasiin Odoyaasha Degmada waxaa uu yiri: “Masaajidkaan aan hadda taagannahay oo aan hoos u soo galnay godka taariikhdii la dhisay lama sheegi karo ilaa iyo hadda,maasaajidka naga koreeya oo ilaa 300-400 sano dhisnaa sida ay sheegeen odayaasha ayaa sideedtameeyadii dib u dayc tir lagu sameeyay”.

Waayo joogga Shangaani ayaa rumeysan inay burburayaan raadadkii taariikhiga ahaa ee uu lahaa gobolka banaadir gaar ahaan degmooyinka qadiimiga ah.

Waxaa jira hal heysyo yaab leh oo ay isticmaalaan dadka deganka degmada Shangaani ee gobolka Banaadir.

Mar kale Basma Caamir Guddoomiyaha Degmada Shangaani ayaa tiri: “ Gobolka Banaadir oo dhan ayaaba dhahnaa Shangaani iyo Xamarweyne xuduntiina waayee Xasuusta”.

Caasimadaha dunida waxay leeyihiin astaamo ka turjumayo qaabka ay bulshadooda ay u abaabulantahay, Bateera ayaa aheyd xaruntii iskaashatada kalluumeysiga waxayna ku dhinac taalay hotel Bateera oo labada kaabiga ku hayo dekaddii hore ee Xamar.

Odayaa Shangaani oo leh gole odayaal dhaqameed ayaa isku howlay ilaalinta astaamaha qadiimiga ah iyo taariikhda ku duugan degmada.

Caamir Shakeeti  indheer garadka degmada Shangaani:

“Howshii aan qabanay waxaa ka mida degmada ayaan la shaqeynaa, degmada markii uu qof tago uu dhaho gurigaani anaa iska leh waa inuusan dhihin midka waaxda ka socda gurigiisa waaye, balse waa inuu anaga nala soo xariiro”.

Fanka iyo dhaqanka ayaa ka mida waxyaabaha soo jireenka ah oo reer Shangaani ay caanku ku yihiin waxaana wali ka muuqda da’yarta Shangaani oo hadda soo koraya fanka iyaga oo ka qeyb qaatay dib u soo celinta Fanka.

Maxamed Ciise Koonaa

Goobjoog News