U bood dhigaalka

Banaanbax ay Dhigeen Kooxaha Kubbada Cagta oo Ka Dhacey Degmada Afgooye

Sheeko:Dalka

ciyaartooyda AfgooyeMaanta degmada Afgooye waxaa ka dhacay banaanbax ay dhigeen ciyaartooyda kubbada cagta ee degmadaasi kuwaasi oo ka cabanayay musuqmaasuq lagu sameeyey qalab isboorti oo loosoo dhiibey kooxaha halkaasi ka jira.

Banaanbaxayaasha ayaa xiriirka kubbada cagta Afgooye iyo maamulka degmadaasi ku eedeeyey in ay leexsadeen qalab isboorti oo loogu talogalay 24 kooxood, iyaga oo kaliya qeybiyey qalabka 15 kooxood oo kaliya oo ka mid ah 24-taasi kooxood.

Dibad baxa ayaa waxaa qeyb ka ahaa kooxihii aanan qalabka helin, ciyaartooyda iyo waliba mas’uuliyiin isboorti.

Maamulka Afgooye oo aan arrinkaasi wax ka weeydiiney ayaa ka gaabsaday in uu wax ka ogyahay sheegashooyinka banaanbaxayaasha.

 

Dhageyso

Goobjoog News