U bood dhigaalka

Banaanbax La Filayo In Maanta Ka Dhaco Muqdisho

Sheeko:Dalka

Maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ka dhaco dibadbax uu soo qaban qaabiyey maamulka gobolka Banaadir, kaasi oo lagu taageerayo waxqabadka 100-ka maalin ee dowladda Federaalka.

Shacab ka kala imaanaya 17-ka degmo ee magaalada Muqdisho ayaa la filayaa iney ka qeybgalaan dibadbaxan sida qorshaha uu yahay.

Dadka ayaa isugu imaan doona Garoonka kubadda cagta ee Koonis, waxaana halkaasi kula hadli doona mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka.

Ammaanka magaalada ayaa maanta guud ahaan si aad ah loo adkeeyay, waxaana dhanka kale xiran qaar kamid ah waddooyinka aadaya halka dibabaxa lagu qabanayo, iyadoo gaadiidka gaarka loo leeyahay iyo kuwa dadweynaha loo diidayo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News