U bood dhigaalka

Banaanbax Lagu Taageerayo Magacaabista Xasan Cali Kheyre oo Ka Socda Muqdisho

Sheeko:Dalka

Dibadbax ballaaran oo lagu taageerayao ra’isul wasaaraha uu magacaabay madaxweyne Farmaajo ee Xasan Cali Keyre oo ay ka qeybqaadayaan dadweyne ka kala socda degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir ayaa saaka ka socda Muqdisho.

Banaanbaxan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay maamulka gobolka Banaadir, sida aan ka soo xigannay wakaaladda wararka ee SONA, ayaa dadka ka qeybgalayay ay wateen boorar ay ku xadhan yihiin erayo lagu taageerayo Ra’isul wasaaraha Cusub ee Xasan Cali Kheyre.

Dibadadbaxyaasha oo socdaal ku soo maray waddooyinka Muqdisho qaarkood, ayaa waxay ugu dambeyn iskugu soo uruureen Daljirka Daahsoon oo ay kula hadli doonaan madaxda gobolka Banaadir.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Khamiistii u magacaabay ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo la filayo in maalmaha soo aaddan ay baarlamaanku u qaadaan codka kalsoonida, haddii la ansixiyana waxa uu si rasmi ah u noqondoonaa Ra’isul Wasaarha dowlaadda Federaalka Soomaaliya.

Goobjoog News