U bood dhigaalka

Banaanbax Looga Soo Horjeedo Al-shabaab Oo Maanta Ka Dhacaya Muqdisho

Sheeko:Amniga

Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo qabanqaabiyey Banaanbax looga soo horjeedo Al-shabaab, kaasi oo la filayo in maanta uu ka dhacdo magaalada Muqdisho.

Waxaa la xiray qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in banaanbaxan uu ka dhacdo dugsiga tababarka ee Jeneraal Kaahiye.

Waddooyinka xiran ayaa ah kuwa soo gala xarunta dugsigan iyo waddo walba oo halkaasi ku dhow, waxaana ku sugan ciidamada ammaanka.

Banaanbaxan oo maalin kahor ballamiyey maamulka gobolka Banaadir ayaa la filayaa iney ka qeybgalaan madax ka tirsan dowladda federaalka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qarax ay ku dhinteen ku dhowaad 100 qof oo shacab ah, kaasi oo ka dhacay Isgoyska Ex-control Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News