Banaanbax Roobdoon Ah Oo Ka Dhacay Puntland

Deegaannada uu ka arrimiyo maamulkaa Puntland waxaa maanta ka dhacay banaanbax roob doon ah, kaasi oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaasi.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Injineer Camey iyo wasiiro ka tirsan maamulkaasi ayaa iyaguna qeyb ka ahaa dadkii maanta isku soo baxay, gaar ahaan magaalada Garoowe.

Culimada ku sugan magaalada Garoowe ayaa halkaasi ka duceeyay, waxayna Allah ka baryeen inuu roob u keeno.

Deegaanno badan oo Puntland ah waxaa ka jirta xaalad adag oo abaar ah, waxayna dadka aad ugu dhibban yihiin helitaankaa biyo ay cabaan.

Meelaha qaar waxay wararku sheegayaan in xoolo badan ay baaba’ayn kadib markii ay waayeen biyo ay cabaan.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW