U bood dhigaalka

Banaanbaxyo Ka Dhacay Galmudug

Sheeko:Dalka

Banaanbaxyo lagu taageerayo madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqqor oo shalay lagu doortay Dhuusamareeb ayaa si isku mida waxa uu uga dhacay magaalooyinka Cadaado, Caabudwaaq, Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo.

Bulshada qeybaheeda kal duwan ee magaalooyinkaas ayaa soo qaban qaabiyay banaanbaxaan waxa ayna taageero ugu muujinayeen madaxdii shalay ku guuleystay madaxweynaha iyo madaxwene ku xigeenka maamulka Galmudug.

Dibadbaxayaashan ayaa watay boorar uu ku xardhanyahay madaxweyne Axmed Qoorqoor waxa ayna sheegeen in ay ku faraxsanyihiin hoggaanka cusub ee loo doortay Galmudug.

Shalay ayaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug lagu doortay madaxweyne Axmed Cabdi Kaariya iyada oo madaxweyne ku xigeenkana loo doortay Cali Daahir Ciid, waxaana xusid mudan in madaxdaasi ay ka horeeyaan Sheekh Shaakir iyo Xaaf oo iyaguna madaxweyne loo doortay.

Halkaan ka daawo sawirada dibadbaxayaasha

Goobjoog News