U bood dhigaalka

Banadir Stadium:  1000 Ciyaaryahan Oo Xusaya Maalinta 15-ka May Ee Dhalinyarada

Sheeko:Dalka

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa maanta lagu wadaa in garoonka Banaadir ee magaalada Muqdisho ku soo bandhigto mahrajaankii ugu weynaa 27-kii sano ee la soo dhaafay.

Banadir Stadium oo ah midka ugu weyn garoomada hadda lagu cayaaro ayaa waxaa iman doono 1000 cayaaryahan oo matalaya gobolka Banaadir iyo dadweyne ka kala socda degmooyinka gobolka Banaadir.

Illaa 4 Koob ayaa goobta lagu qaadi doonaa, cayaaraha lagu tartami doono waa: Kubadda Koleyga, Kubadda Cagta, Ciyaaraha fudud iyo Kubadda Miiska.

Dhammaan Sportiga 17-ka ee gobolka Banaadir ayaa goobta tagi doona,waxaa kaloo ka soo qeybgalaayo dadweynaha ku nool degmooyinka Muqdisho oo lagu wado mid waliba in ay la timaado astaan iyo calan gaar ah.

Waxaa munaasabadda sidoo kale lagu soo bandhigi doonaa Folklore Dance iyo cayaaro badan.

Goobjoog News