U bood dhigaalka

Bandhigga Buugaagta ee Dhaqan iyo Dhigaal Oo Ka Socota Garoowe

Sheeko:War

Bandhigga Buugaagta Caalamiga ah ee Garoowe ayaa isniintii laga furay Puntland, kaas oo ay kasoo qeybgaleen 64 qoraa Soomaaliyeed oo ka kala yimid daafaha dunida.

Madaxweynaha maamulka Puntland Gaas ayaa daah-furay badhigga buugaagta Garoowe oo ay sanadkan si wadajir ah u soo qaban-qaabiyeen maktabadda Scansom iyo mac’hadka SIDRA waxaa ka soo qeybgalay Madaxweyne Gaas iyo golihiisa wasiirada, qoraayaal caan ah, macallimiin jaamacadeed, arday, farsamo-yaqaanno dhanka farshaxanka ah oo bandhig fiican ku lahaa.

Hal ku dhigga bandhigga ee sanadkan ayaa ahaa bandhigga dhaqan iyo dhigaal oo dadka lagu dhiirigelinayo qoraalka maadaama uu yahay dhigaal dadku ay ka faa’ideysan karnaan qarniyo badan.

Waxyaabaha lagu soo bandhigay ayaa waxaa ka mid ahaa hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida, iyadoo uu sanadkan bandhigga qurxiyay buug la magac baxay “Nasri Wadaha Nalka U Siraaday Naruuradii Ummadda Soomaaliyeed” oo uu qoray madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo qeyb libaax ku lahaa bandhigga oo si heersare ah loosoo agaasimay.

Sidoo kale, qoraayadii  bandhigga oo uu ka mid ahaan Qoraa Maxamed Daahir Afrax ayaa hadallo kala duwan bandhigga ka jeedidiyay, hadaladaas oo ay ku dhiirigelinayeen qoraalka iyo wax akhriska, “Waxa weeyaan adeegsiga Afka amadiya waa adeegsiga iyo inta dhinac oo nolosha ah oo loo adeegsado” oo uu yiri qoraa Afrax oo si fiican uga hadlay dhiirigelinta qoraalka afka iyo adeegsigiisa.

Madaxweyne Gaas ayaa dhankiisa sheegay muhiimmadda ay leedahay in loo guuro in la noqdo ummadda ku fiican wax-qorista iyo akhriska:

“In uu u noqdo aasaaskii aan uga guuri lahayn wixii la oran jiray Oral society, waxaa naloo aqoon jiray dadkii Gabyaasha ahaa ee hadli jiray  ee luqadda fiicnaa, in markaa hadal kaliya aaney noqone oo aan u guurno dad waxna qora waxna akhriya aanu u guurno, markaa in qof kastaa uu wax qoro waxna uu akhriyo ayaa loo baahan yahay”.

Ugu dambeyn, bandhigga buugaagta ee Garoowe ayaa markii 3aad lagu qabanayaa gudaha Garoowe, iyadoo markasta ay bandhigyada noocan oo kale ay fursad u yihiin ardayda iyo dadka qoraaga ah oo bandhigga ka helay suuq labo dhinac ah oo muhiim u ah kobaca qoraalka iyo akhriskiisaba.

Goobjoog News