U bood dhigaalka

Bandhigga ‘Muqdisho Book Fair’ oo Maanta Furmay

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta si rasmi ah gobolka Banaadir uga furmay Moqdisho Book Fair oo sanadkan ay u noqoneyso kii saddexaad oo xiriir ah oo bandhigga lagu qabto gudaha magaalada.

Sanadkan ayaa waxaa bandhigga lagu casuumay aqoonayanno xirfadlayaan ah iyo qoraa caan ah oo soo bandhigi doonaa qoraalladooda iyo  dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba ka kala yimid, waxaana ka mid ah; Ahmed Faarax Cali ‘Idaajaa’, Axmed ‘Hohari’ Bilal, Dr. Abdiraxmaan M. Abdullaahi ‘Baadiyow’, Maxamed Cumar Cusmaan, Prof. Mustafa Fayrus, Dr. Maxamed Daahir Afrax, Dr. Xamdi Maxamed, iyo aqoonyahanno kale oo aan lasoo koobi karin.

Bandhigga ayaa soconaya September 13, 14, 15  , 2017, iyadoo la filayo in lagu soo bandhigo buugaag wax tar u leh qof kasta oo daneeya aqoonta iyo bulshadaba guud ahaan.

Wararka Moqdisho Book Fair, kala soco, Goobjoog News

Goobjoog News