U bood dhigaalka

Bandow Lagu Soo Rogay Qaxootiga Dhadhaab

Sheeko:Dalka

Dowladda Kenya ayaa lagu soo waramayaa in Bandow ay ku soo rogtay xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya, kadib markii ay soo badatay cabsida laga qabo in Al-shabaab ay weeraro ka fuliyaan halkaasi.

Saraakiil ka tirsan ciidnaka Kenya ayaa u sheegay warbaahinta in Bandowgan oo xilliga habeenkii ah lagu adkeynayo oo kaliya ammaanka guud ee dalkaasi, gaar ahaan xeryaha Dhadhaab.

Waxay tilmaameen saraakiishan iney heleen macluumaad sheegaya in Al-shabaab ay qorsheynayaan weeraro, sidaasi darteedna ay doonayaan ciidamadooda iney arrimahaasi ka hortagaan.

Bandowgaan ayaa saameyn weyn ku yeelan doona Soomaalida ku nool xeryaha Dhadhaab, waxaana horey sidan oo kale dowladda Kenya ay bandow ugu soo rogtay gobolka NFD.

Xarakada Al-shabaab ayaa xoojisey weerarada ka dhanka ah dowladda Kenya, wixii ka dambeeyey sanadkii 2011 oo ciidamada dalkaasi gudaha usoo galeen Soomaaliya.

Goobjoog News