U bood dhigaalka

Bandow Lagu Soo Rogey Baardheere, Gedo

Sheeko:Dalka
Ciidamada Jubaland ee ku sugan degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa saakay waxay bandow kusoo rogeen degmadaasi, waxaana istaagey howlahii ka soconayey degmada sida goobahii ganacsiga, dugsiyadii waxbarashada, isku socodka dadka iyo gaadiidka. waxaana waddooyinka xaafadaha magaalada iyo jidadkaba gaaf wareegaya Ciidamada oo dadweynaha ugu baaqaya inay guryahooda dib ugu laabtaan.
Tallaabadni ayey Ciidamada kaga hor tagayaan isku dhac laga cabsi qabo inuu ka dhaco gudaha magaalada,isku dhacaasi ayaa waxuu salka ku hayaa khilaaf dhanka maamulka Baardheere la xariira, kaasi oo muddo ka badan 4 bilood soo jiitamayey, una dhaxeeya gudoomiayhii Baardheere iyo ku xigeenkiisa oo Labadooduba kala wata Dekreeto Guddoomiye oo ka soo baxdey wasaaradda arrrimaha gudaha Jubbaland.
Waxaana lagu guul dareystey dhex-dhexaadin la doonayey in lagu xalliyo khilaafkaasi oo ay hormuud u ahaayeen Saraakiisha Ciidamada AMISOM, kuwa Jubbaland iyo waxgaradka degmada Baardheere ,waxaana dhici kara saacad kastaba haddii aanan la helin xal isku dhac u dhaxeeeya Labada dhinac.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale
Goobjoog News