U bood dhigaalka

Bangi Masaari Ah Oo Xafiis Ka Furanaya Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Bank Masr oo ah bangiga labaad ee ugu weyn dalka Masar ayaa sheegay in la gaaray xilligii uu isku ballaari lahaa qeybo ka mid ah qaaradda Afrika.

Bangigan oo ay leedahay xukuumadda Masar, waxaa uu ku talo jiraa in dhowaan uu wakiillo iyo xarumo cusub ku yeesho dalal badan oo Afrikaan ah.

Qorshahan cusub ee Bank Masr u dejiyay in ay ku dhacaan labada sano ee soo socota, waxaa uu raadinayaa wakiilo bangigaasi u joogi doona dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Côte d’Ivoire, sidaasi waxaa sheegay guddoomiye ku xigeenka bangiga Al-Magribi.

Is ballaarinta Bangigan waxaa ay imaaneysaa iyada oo dowladda Masar ay go’aansatay in ay xiriir suuqeed la yeelato wadamada qaaradda Afrika.

Bangigan Masar waxaa la sheegayaa in uu horay xafiis uga furtay dalka Shiinaha, taasi oo qeyb ka qaadatay xiriirka labada dal.

Dalka Masar waxaa uu ka mid yahay dalalka xiriir soke kala dhaxeeyo Soomaaliya, ganacsatada labada dhinac ayaa waxaa ay leeyihiin madal shirar joogta ah ku qabata Soomaaliya iyo Masar

Goobjoog News