U bood dhigaalka

Bangiga Adduunka Oo 50 Milyan Oo Dollar Ku Bixinaya Arrimaha Abaaraha Ee Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Bangiga Aduunka ayaa talaadadii ogolaaday $50 million oo macaawino degdeg ah la siiyo Soomaaliya si wax looga qabto abaaraha iyo gaajada dalka ka jirta.

“Maamulka sare ee Bangiga Adduunka waxaa ay maanta isku raaceen in $50 million oo caawinaad degdeg ah la siiyo Soomaaliya iyada oo la sii marinayo sanduuqa— Somalia Emergency Drought Response and Recovery Project (SEDRP, the Project) si wax looga qabto abaarya iyo dib u soo kabashada Soomaaliay” sidaasi waxaa lagu sheegay qoraal Baanka ka soo baxay.

Madaxweyne ku xigeenka Baanka Makhtar Diop waxaa uu sheegay in arrinta abaaraha ee Soomaaliya ka jira ay tahay in si degdeg ah looga jawaabo isaga oo intaa raaciyay in bangiga adduunka iyo dadka ogollada la ah ay ka go’an tahay badbaadinta dadka ku dhibaateysan abaaraha iyo si in Soomaaliya la caawiyo waqti dheer si aan dhibaatadan u soo laaban.

Bangiga Adduunka waxaa uu ku qiysaaday in abaaraha Soomaaliya ayaa saameeyeen illaa 6.7 million, waa abaartii ugu darneen illaa sanadkii 1950 , waxaana la filayaa in Bangiga Adduunka, Red Cross iyo hey’adda cuntada iyo beeraha ay Soomaaliya macaawino gaareysa $50 million.

Goobjoog News