U bood dhigaalka

Bangiga Adduunka Oo Ka Hadley Lacagaha Telefoonnada La Isugu Gudbiyo

Sheeko:Dalka

Bangiga adduunka oo amaanay Hormarka Somalia ay ka sameysay lacagaha la isugu gudbiyo Taleefoonada.

Bangiga adduunka ayaa saadaaliyay in dhaqaalaha Soomaaliya uu sanadkaan kordhi doono 3-4%, bangiga ayaa daabacay qiimeyntiisii saddexaad ee ay ku sameeyeen dhaqaalaha Soomaaliya taasi oo muujineysa qodobada ugu waaweyn ee tilmaamaya hormar dhaqaale inuu dhacay iyo in kale iyo talooyin ku saabsan xoojinta ama kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Warbixintaan ayaa timid iyadoo sanadkii hore ay Soomaaliya ku habsatay abaar si weyn waxyeello ugu geysatay xoolaha nool, gaar ahaan dhulka reer Miyiga, waxaana bangiga adduunka uu sheegay in dhaqaalaha Soomaaliya uu sanadkii hore kordhay 2.3% halka sanadkii ka horreeyay ee 2016 uu kobocu ahaa 4.4%, waxaana bangiga adduunka uu sheegay iney taasi muujineyso sida ay abaartu u keentay dib u dhac dhinaca dhaqaalaha ah,  waxaana dhaqaalaha Soomaaliya uu taariikh ahaan ku tiirsanaa oo tiirka ugu weyn ee dhaqaalaha ahaa dhoofka xoolaha oo 70% uu dakhliga kasoo xaroodo, waxaana bangiga adduunka uu sheegay in abaartii dhacday sanadkii hore 2017 darteed ay hoos u dhacday dhoofka xoolahu 75%, waxeyna ahaayeen xoolaha sanadkaasi la dhoofiyay 1,300,000 oo neef halka sanadkii ka horreeyay 2016 ay xoolaha la dhoofiyay ahaayeen 5,300,000 oo neef.

Hugh Riddle waa wakiilka bangiga adduunka ee Soomaaliya, waxa uu yiri:

“Waa warbixintii saddexaad ee xog bixinta dhaqaale ee aynu ka sameyno Soomaaliya, waa warbixin aynu dooneyno iney soo baxdo lixdii bilood ee kasta, warbixinta kastana waxey guudmar ka bixisaa xaaladda dhaqaalaha iyo meelaaha kobocaya, warbixin kasta waxey leedahay mowduuc hoos loogu eego, inagoo iskaashi la sameyneyna qeybaha dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay, warbixintani waxey si gaar ah u eegeysaa lacagaha la isku weydaarsado taleefoonada, fariinta ugu weyn ee ay warbixintaan direyso waxey tahay in abaartii dhacday sanadkii 2016 ee socotay sanadkii 2017 ay dib u dhac weyn ku keentay dhaqaalaha Soomaaliya,  inuu dhaqaalaha Soomaaliya kordhana waa muhiim, markaad eegtid iney dadka Soomaalida tiro ahaan kordhayaan, hadii ay taasi dhici weyso waxaa imaneysa inuu faqriga kordho sanad walba, Soomaaliya waxey aad ugu tiirsan tahay xoolaha nool oo ayaguna ku tiirsan isbadalka cimilada, waana isbadalkaasi cimilada kan hoos u dhaca weyn ku keenay dhoofka xoolaha”

Bangiga Adduunka waxaa kaloo uu sheegay in kororka dhaqaalaha Soomaaliya uu gaabis ahaa, gaar ahaan in sanadahii u dhaxeeyay 2013 ilaa 2017 uu kobcay dhaqaalaha Soomaaliya 2.5, hase yeeshee waxaa warbixinta sheegtay in koboc dhaqaale uusan ka dhigneyn inuu yaraaday heerkii faqriga.

Bangiga Adduunka wuxuu daqliga kasoo xarooda gudaha ee sanadkii 2016  ku qiyaasay 6.8 Bilyan oo Doolar halka sanadkii aynu soo dhaafnay uu ka ahaa 7 Bilyan oo Doolar.

Warbixinta Bangiga Adduunka waxey si weyn u amaantay koboca iyo doorka dhaqaalaha ee hanaanka lacagaha la isku weydaarsado taleefoonada, hadii ay ahaan laheyd xawilaadaha iyo wax kala iibsiga kalaba.

Waxaa Bangiga uu sheegay in bishii la sameeyo 155 Malyan oo is weydaarsi ama wax kala iibsasho lacageed la isugu gudbiyo taleefoonada, taasi oo ku fadhida aduun dhan 2.7 Bilyan oo Doolar bishii.

Waxaa bangiga uu sheegay in isticmaalka lacagaha taleefoonada ay ka xoog bateen lacaha cadaanka ah ama waraaqda ah ee ka jira Soomaaliya.

Mar Kale Hugh Riddle, waxa uu yiri:

“Caqabado badan ayaa ka jira Soomaaliya, hadii ay noqon laheyd dhinaca siyaasadda iyo amniga, waxa kaliya ee si wanaagsan u shaqeeya waa dhaqaalaha ku saleysan shirkadaha gaarka ah, waxaana warbixintaan aynu ku sheegnay wax layaab leh oo la taaban karo oo ah in dhaqaalaha ganacsiga gaarka loo leeyahay uu wax weyn u qabtay dhaqaalaha Soomaaliya

” kala wareejinta lacagaha ee dhinaca taleefoonada ee Soomaaliya waa mid ka mid ah tallaabooyinka ugu hormarsan dunida, tobankii qof ee Soomaaliya joogaba, todoba ka mid ah ayaa isticmaala hanaankaan, 155 Malyan oo kala wareejin ah ayaa dhacda bishii, waxeyna taasi fursad yididiilo leh u tahay koboca dhaqaalaha iyadoo dad tiro yar ay heystaan akoono bangiga ah”

Bangiga adduunka ayaa amaanay hormarka Soomaaliya ay ka sameysay lacagaha la isugu gudbiyo Taleefoonada, waxaana bangiga uu sheegay in si tartiib tartiib ah sharci dajin loogu sameeyo hanaanka oo ay intiisa badan wadaan shirkadaha gaarka loo leeyahay.

Goobjoog News