U bood dhigaalka

Bangiga Adduunka oo Ku Dhowaaqay in Soomaaliya ay Bixisay Deyntii uu Ku Lahaa

Sheeko:Amniga

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bixisay lacagihii Hay’adda horumarinta Caalamiga ah ay ku laheed Soomaaliya si loo dhameystiro soo celinta xiriirka caadiga ah ee Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka.

Soomaaliya waxay dib ula soo noqotay hannaan ay ku heli karto taageero cusub oo toos ah oo uga imaanayso hay’adda horumarinta caalamiga.

Waxay talaabo wanaagsan u qaaday hal abuurka daymaha looga cafinayo waddama faqriga iyo soo kabashada sanadaha soo socda ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Bangiga Adduunka.

“waxaan u hambalyaynayaa dowladda Federaalka Soomaaliya gaarida yoolkaan taariikhiga kaasoo u ogolaanayaa Soomaaliya in ay hesho taageero dhaqaale oo xooggan oo ka imaanaysa Bangiga aduunka si loo horumariyo nolosha dadka,, tani waxay salka u dhigaysa soo bogsho dhaqaale iyo mid bulsho waxaan jecelahay inaan u mahad celiyo dowladda Norway oo fududaysay habka dayn cafinta” sidaas waxaa yirri Axel van Trotsenburg, agaasimaha Maamulka Bangiga Aduunka.

Hannaan la isku fahmay ayaa lagu bixiyay dhaqaalaha Bangigu ku lahaa Soomaaliya oo ay taageertay Dowladda Norway kuna bixisay $365.9 million oo doolar oo dayn ah si Soomaaliya uga gudubto buundadaan, sidookale waxaa qeyb ka ahaa Hey’adda lacagta Aduunka (IMF) iyo Bangiga Horumarinta  Afrika.

“waxaan ku faraxsanay in Dowladda Norway ay  door wanaagsan qaadatay si caalamka Soomaaliya uga cafiyo daymaha ayna fursad u hesho maalgalinta Hey’adda Horumarinta caalamiga, waxaan kaloo ku faraxsanahay in Soomaaliya talaabo kale oo muhiim ah u qaaday hannaanka dhaafida daymaha haray” ayuu yirri Wasiirka Arrimaha Dibbadda ee Norway Ine Eriksen Søreide.

Caddeynta deymihii hay’adda horumarinta Caalamiga ah waa fursad furaysa soo noqoshada Soomaaliya “waa cusub baa inoo baryay, waxaan rajeynaynan inaan horu ugu dhaqaaqno xoojinta xiriirka nagala dhaxeeyo Bangiga aduunka iyo dhismaha tiirarka dhaqaalaheena si dalkeenu u gaaro barwaaqo ” ayuu yirri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr; Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Wasiirka ayaa u mahad celiyay  taageerada buuxda ee Soomaaliya la garab istaagtay dowladda Norway si ay bixiso dayntii Hey’adda Horumarinta Caalamiga ah.

Kulan ay asbuucii la soo dhaafay yeesheen maamulka sare ee Bangiga aduunka ayay ku muujiyeen taageerada ay u hayaan kobaca xooggan ee daqliga  sanadlaha ah ee dowlada, horumarka Siyaasada, Bulshada iyo dhaqaalaha  oo suurgaliyay in Soomaaliya ay halkaan soo gaarto.

Hay’adda horumarinta Caalamiga waa mid ka mid ah hay’adaha dhaqaalaha ugu weyn caalamka ee maalgaliya la dagaalanka saboolnimada wadamada taagta daran dhinaca dhaqaalaha, waxay bixisaa daymo ay yar yihiin amaba aan laheen dulsaar oo gacan xooggan ka gaysta kobaca dhaqaalaha, nolosha dadka iyo u adkaysiga aafooyinka.

Goobjoog News