U bood dhigaalka

Bangiga Adduunka Oo Soomaaliya Ugu Deeqay $80 Milyan, Akhriso Isticmaal-ka

Sheeko:Dalka

Bangiga adduunka ayaa sheegay in maamulkiisu garteen in Soomaaliya la siiyo deeq lacageed, lagana taageero barnaamijka qorshaha bahwadaagga Soomaaliyeed (CPF) oo afar sano ah, si barnaamijka loo fuliyo waxaa uu bangiga ku deeqay $80 Milyan.

Lacagrta $80 million ah ee guddiga sare ee Bangiga adduunka ansixiyay, waxaa loo kale qaaday labo:  $60 milyan oo loogu tala galay qarashaadka joogtada ah(mushaar bxiinta)  iyo mashruuca dib u habaynta maaliyadda iyo $20 milyan oo kor loogu qaadayo dakhliga gudaha(canshuur uruurinta) iyo mashuurca awood siinta maamulka maaliyadeed ee dawladda.

Dhaqaalaha labadaan mashruuc oo ay bixinayso hay’adda bangiga adduunka u qaabilsan horumarinta caalamiga ah ayaa si toos ah lasoo marsiinayaa dawladda Federaalka Soomaaliya maadaama ay horumar ka gaartay dib u dhiska hay’adaha dawliga ah.

Soomaaliya ayaa hadda waxaa ay gaartay “pre-arrears clearance grant” ee International development association (IDA), waa qeyb ka mid ah bangiga adduunka, dalalka saboolka ah ayaa la siiyaa deeqo iyo deymo lagu kabayo hey’adaha si ay awood ugu helaan iska bixinta deynta lagu leeyahay.

Goobjoog News