U bood dhigaalka

Bangiga hormarinta Islaamka oo qalab caafimaad ugu deeqay Isbitaalka Garoowe (Dhageyso & Sawiro)

Sheeko:Dalka

Bankiga Islaamka ayaa qalab caafimaad oo kala duwan soo gaarsiiyay Wasaradda Caafimaadka maamulka Puntland, kuwaas oo loogu tala galay in la gaarsiiyo dhowr isbitaal oo ku yaala deegaanada maamulkaasi ka arimiyo.

Isbitaalka Magaalada Garoowe oo ka mid ah goobaha qalabkaan caafimaad loogu tala galay ayaa la gaarsiiyay qaar ka mid ah qalabkaan si howlaha shaqo ee jira loogu qabto.

Munaasabadda qalabkan kula wareegayeen mamulka isbitaalka Garowe ayaa waxaa kasoo qayb galay saraakiil ka socda Bankiga Hormarinta Islaamka, Hay’adda Zam zam Foundation iyo Wasaradda Caafimaadka maamulka Puntland.

Agaasimaha Guud ee Wasaradda Caafimaadka Puntland Dr. Cabdirisaaq Xirsi Xasan ayaa sheegay barnaamijka ay deeqdaan uga helaan Bankiga Islaamka inuu soo socday tan iyo 2010, ayna uga mahad celinayaan Bankiga dadaalka ay dhankooda ka muujiyeen, isaga oo dhanka kale waxa uu agaasimahu sheegay in wasiirkii hore ee caafimaadka Dr. Cali Cabdilaahi Warsame uu qayb wayn ka qaatay sidii gargaarkan loo heli lahaa.

Cabdow Taqi oo ka socday Bankiga Islaamka ayaa isna sheegay in dalkeena Soomaaliya ay ka shaqo bilaabeen sanadkii 1992 islamarkaasna qalabkaan caafimaad loogu tala galay qaar ka mid ah isbitaallada Puntland, isagoo intaas ku daray inay ka go’an tahay caawinta dadka Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Garowe Dr. Cabdisamad Axmed Jaamac ayaa ka mahad celiyay deeqdan lasoo gaarsiiyay wuxuna balan qaaday inay si wanaagsan uga faa’iidaysan doonaan.

Isbitaallada Garowe, Gaalkacyo, Qardho iyo Bosaso ayaa loogu talo galay deeqdan in la gaarsiiyo sida uu sheegay Dr. Cabdirisaaq Xirsi Xasan.

Hadaba halkaan hoose ka dhageyso hadaladii la jeediyay

Hoos ka daawo sawirada

08 07 06 05 04 03 02 01