U bood dhigaalka

Bangiyada Ugu Caansan Kenya Oo Daneynaya Inay Maalgashi Ku Sameystaan Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Bangiyada ugu caansan dalka Kenya ayaa doonaya in maalgashi ballaaran ku sameystaan suuqyada dalka Soomaaliya, kadib heshiiskii ay wada saxiixdeen dowladda Soomaaliya iyo dowladda Kenya kaas oo ku saabsanaa iskaashi maaliyadeed, maalgashi iyo dhanka amniga.

Isku tagga Bangiyada ee dalka Kenya ayaa rajo waxay ka muujiyeen xiriirka iyo heshiiska cusub ee Labada dal wada galeen kaasi oo fududeynaya arrimaha siyaasadda dibadda ee Labada dal iyo xiriirkooduba.

Danjiraha Soomaaliya ee Kenya Jamaal Xasan oo warbaahinta Kenya la hadlay ayaa waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyay dib usoo kabashada iyo kala faa’ideysiga Labada dhinac.

“Kenya iyo Soomaaliya waxay leeyihiin xiriir adag, waxaana xusid mudan in heshiiska Labada dhinac ay galeen uu si qoto dheer ugu faa’ideynayo Labada dhinac si walaalnimo ah” ayuu yiri Danjiraha.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayeey ahayd markii Soomaaliya iyo Kenya ay kala saxiixdeen heshiis iskaashi ah kaasi oo ku saabsanaa arrimaha socdaalka, Nabad galyada, bangiyada, ganacsiga iyo wixii la mid ah.

Goobjoog News