U bood dhigaalka

Bankiga Horumarinta Afrika Oo Lacag Dhan 30 Milyan Doolar Ugu Deeqay Qaxootiga Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Bankiga Horumarinta Afrika ayaa qaxootiga Soomaaliyeed ugu yaboohay lacag dhan 30 Milyan oo doolarka Maraykanka ah, taasi oo qeyb ka ah lacagihii dhawaan loo uruurinayay dib usoo celinta Soomaalida Qaxootiga ku ah Kenya ka dib shir ka dhacay Magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda dowladda Federaalka Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo ka mid ah mas’uuliyiinta Bankigaasi ayaa isaga oo la hadlay warbaahinta dowladda waxa uu sheegay in lacagtaan ay ku yabooheen loogu tala galay in lagu caawiyo qaxootiga Soomaaliyeed.

“Anaga waxaan ku deeqnay 30 milyan oo dollar oo aan dooneyno wixii aan qaban karno inaan qabanno” ayuu yiri Beyle.

Waxa uu sheegay in lacagtaan ay qeyb ka noqon doonto lacagihii dhawaan loogu yaboohay qaxootiga Soomaaliya si dalkooda dib loogu soo celiyo iyaga oo nabad qaba, walibana ku qanacsan inay soo laabtaan.

Bankiga Horumarinta Afrika ayuu sheegay in uu dowladda Soomaaliya ka caawin doono sidii dib loogu soo celin lahaa qaxootiga Soomaaliyeed.

21-kii bishaan October waxaa magaalada Brussels ee dalka Belgium lagu soo gabagabeeyay shir dhaqaale loogu yaboohayay qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya si dalkooda dib loogu soo celiyo, waxaana shirkaasi ka qeybgalay Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid, iyadoo lagu yaboohay lacag ka badan 100 Milyan oo doolar.

Goobjoog News