U bood dhigaalka

Banndhigga Labaad Ee Carwada Buugaagta Muqdisho Oo Furmay

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furmay Bandhigga Labaad ee Carwada Buugaagta, iyadoo Bandhiggan uu socon doono muddo Saddex Maalin ah.

Waxaa Bandhiggan ka qeybgalaya qorayaal Soomaaliyeed oo dalka gudahiis iyo dibaddiisa isaga kala yimid, iyadoo halkaasi lagu soo bandhigay buugaag aad u badan.

Qorayaasha Buugaagta ayaa su’aallo  laga weydiiyey Buugaagta ay qoreen,  waxaana xusid mudan in qorayaasha ay ku jiraan dhallinyaro aad u badan.

Buugaagta lasoo bandhigay ayaa ka sheekeenaya waxyaabo kala duwan, sida dhaqanka, suugaanta, Taariikh iyo arrimo kale.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News